Formaajaa fiijiyey, farina u taagan tahay
Maalmahan waxaa saxaafadda
qabsaday mudane Mahige, oo aan u
baxshay “ Ma Hinge” oo dhinac ah,
madaxweyne Shariif “ Haye ”+ Aala
Sheekh oo dhinac ah iyo Ra’isul
wasaarihii hore Mudane Formaajo
“ Boqolle ”, oo dhinac ah. Waxaa
hawada la isu mariyey eedaymo iyo
erayo kulkulul, ay gun u tahay in biya
hoosteed la iska arkay, qaabka, sida,
hannaanka iyo ujeedka ma cadda,
waase aan maanin karnaa, illeyn
Eebbaa caqli iyo garasho nagu
mannaystee.
Mudane Formaajo “ Boqolle ” wuxuu
siyaasaddan silloon ku soo biiray
sanaddii 2010-kii, ka dib markii xilka
laga qaaday Cumar C/rashiid
Sharmarke , maalintii xilka loo
magacaabay ayaan marar badan
duljoogsaday meelo ay ku qoran
tahay, in xilka loo dhiibay dadkii
mudnaa , ama aan sii qurxiyee xaqa u
lahaa , ee aan labaatankii sano ee
burburka ku jirnay xil sare aan qaban.
Hadalkaa haruufkiisuu lahaa,
haddaanse weydiin dhigo halkan,
miyey jiraan beelo si gaar ah, xaq u
leh xilka iyo kuwa aan xaq u lahayn?
Weydiintu waxay ka dhalanaysaa sida
hadalka loo dhigay, waliba tani waxay
sii xoojinaysaa hadalka laga soo
xigtay Formaajo “ Boqolle ” ama
taageerayaashiisa, uuse gadaal ka
beeniyey, ee ahaa xilka dawladda ugu
sarreeya, looma igman laba beel
kaliya inuu ku meero, marka laga soo
tago, inuu dhahay in kale, hubaal
hadal meesha ku jira inuu yahay, una
baahan in si fiican loo milicsado, oo
sadbursiga salka loo jaro.
Mudane formaajo “ Boqolle ” maalintuu
yimid ayaa waxaa naloo sawiray
badbaadiye qaran maamul yaqaan ah,
isagoo soo dhisay gole wasiirro oo la
yiri aqoon iyo tayo ayaa lagu soo
xulay, wasaarado kooban gadaalse ka
barakoobay, ma bariis ama ganlay
dab la saaraa? eraga “ TAYO” waan u
soo noqon doonaa.
Waxaa la yiri, wuxuu ku caan yahay
hawl hufan iyo hannaan dabacsan,
waxaanse rabaa inaan halkaan
xasuusiyo kuwa dhahaya waa
maamul yaqaan, ma wada
xusuusataan socdaalkiisii New York ,
ninkii summad la’aan iska hadaafay
ee astaamo dawlado kale iyo ururo
marti u noqday, miyaa maanta nalaga
dhaadhicinayaa waa halyey! Geel
jiruhu Geeliisa waa u sumadan yahay
HALYEYNIMOOY XAAL QAADO.
Mudane Formaajo “ Boqolle ”
maalintuu xilka qabtay ilaa maalintii
laga tatajiyey, mayee, tanaasulay,
sida uu na leeyahay, waxaa halhays
u hayd boqol maalmod ayaan wax
walba ku qabanaynaa, hadday ka
dhammaadaanna waa kororsan jiray.
Wax qabadka dawladda boqol maalin
ayaan ku soo gudbinaynaa.
Alshabaab boqol maalin ayaan uga
saaraynaa dalka. UN-ku boqol maalin
gudaheed ha u soo guuraan wadanka
gudihiisa, waana midda aan ugu
baxshay “ Boqolle ” aqriste bal Adigu
boqol dhammee?.
Soomaalidaa tiraa: “Gaal dil gartiisana
siiye ” Mudane Formaajo “ Boqolle ”
wuxuu ku guulaystay arrimahan kala
ah:
– Mushaarka ciidanka wuxuu ciidanka
dawladda si joogta ah ugu qoray
mushuur bille ah, oo ah runtii mid
maalintuu meesha ka baxay aan ka
dambayn, mudane Gaas oo Prof lagu
sheegayna uu dhammays tiri waayey.
– Codsigii ku aaddanaa in xafiisyada
UN-ka Muqsisho loo soo raro,
middani way dhaqan gashay.
– Golahiisii wasiirrada oo uu gacanta
ku qabtay, macnaha koontoroolay, oo
ay isku dhinac wax u wada wadeen,
dabcan qaladaad way dheceen, ee
aqriste waxaad eegtaa Mudane Gaas
oo Prof lagu sheego, sida
wasiirradiisu u dhaqmaan? Maya,
waxaadba eegtaa sida uu isagu u
dhaqmayo, maalin walba waxaa la
soo saaraa wareegto, maalinta ku
xigtana waa laga laabtaa, nin miyir
qabaa sidaa uma dhaqmo ayey ila
tahay.
Nolosha qof walba waxaa daba
socda saddax dhib, oo kala ah:
-Eray uu dhigay “qoray”
-Eray uu dhahay
-Addin uu dhibay.
Mudane Formaajo “ Boqolle ” BUUG uu
qoray wuxuu ku weeraray beelo ka
mid ah beelaha Soomaaliyeed,
erayada ninba si u faham, balse,
dhibka dhacay, siduu u dhacay,
dhabbaa la taagan yahay, miyey beel
kaliya eed ku yeelan kartaa? Saw ma
ahan wax ay Soomaali oo dhami ku
fashilantay? Mise waa laab la
keceennii iyo qoonsiga qabiileedkiiye,
mudane Formaajo “ Boqolle ” isma
lahayn miyaa markuu qorayey
erayadan xil ayaad Soomaali u
qabanee? Mise wuxuu is lahaa ku ciil
bax?.
Kaliya ma ahane, wuxuu kaloo
weeraray labadii madaxweyne ee ugu
horreeyey Soomaaliya, Aadan Cadde
iyo C/rashiid Sharmarke “AUN”,
waxaase hubaal ah in erayaduu
dhigay ay hoos u noqon doonaan,
meel walba uu istaago, ogaal iyo
ogaal la’aanba, haddana, waxaa la
doonayaa in nala yiraa waa halyey!
Maanta ayuu ku soo laabtay, oo yiri
anigu qabiillada wax kama sheego,
sheeko caruureed, miyeysan kula
gudboonayn inaad qormadaa ka
cudurdaaratid? Si aad nooga gaddo
inaadan qabiilaynta ku qaabin,
waxaanse la yaabaa dadku waxay
isaga indha tirayaan arimahan oo
kale, iima dhadhamin.
Waa Salaad Cali Jeelle oo kale, oo
saddax sano ka hor wuxuu lahaa la
wada dhagaystay, ee maanta qareen
u ah sharciga iyo tixgalintiisa! Waa
Caato oo Cakaaro wuxuu madfac ka
soo riday la ogaa, oo maanta
qaanuun u qaylinaya! Waa
Gacmadheere oo hadalladuu shalay
lahaa la wada xusuusto, oo maanta
xeer ilaaliye iska dhigaya! Waa
Maxamed Cabdi Yuusuf oo Kismaayo
kula jaal ahaa Moorgan, ee maanta
isu haystay nabaddoon! Magacyadu
ma dhammaanayaan, ee aan ka soo
haro.
Dad ayaa ku xiiqay inay dhahaan
wuxuu ahaa mudanihii ugu tayada
fiicnaa, ee qabta maamul waayadan
burburka, malaha waa waxa ururka
“ Tayo ” magacaa loogu baxshay,
waxaa jirta su’aalo badan oo ku
saabsan magacan, sida: tayada lagu
tilmaamay waa mid caynkee ah?
Yuuse tayo dheeraa? Tayadu ma
tusmadaa? Ma tilmaantaa? Ma
tabtaa? Ma tallaabtaa? Ma
tawaawacaa? Ma tiiraanyadaa? Ma
tatajiskaa? Ma tanaasulkaa siduu
isagu hadalka u dhigay? Ma … Ma….
Weydiimuhu badan.
Mudane Formaajo “ Boqolle ”, Sheekh
Shariif “ Haye” iyo Mahige “ Ma Hinge”
isku dhacoodii koowaad waxay ahayd
sanaddii 2010-kii, waxaa lagu
gudajiray xilli kala guur ah, ku meel
gaarkiina gabaabsi sii yahay, mudane
Mahige “ Ma Hinge” wuxuu magaalada
Nayroobi kaga dhawaaqay shir dhici
doona 12-ka April ee 2010-kii .
Haramkii ugu sarreeyey waddanka
guudkiisa, waa dawladda ku meel
gaarka ahe, baaqa Mahiga waxay kala
hortimid diidmo qayaxan, iyadoo
adeegsatay codka fuuntada, labada
masuul ee kala ah madaxweyne
Sheekh Shariif “ Haye ” iyo ra’isul
wasaare Farmaajo “ Boqolle ”.
Diidmada qaxayan ee labadaa masuul
ku diideen shirka Nayroobi, waxay
dhaxalsiisay in magacyo horay loogu
daalay laguna hungoobay mar labaad
lagu sunto, waxaa isla markiiba is
qabsaday sawaxanka ku salaysan
HALYEY, aanse kala qaadnee
labadooda keebaa halyey ah? Mise
magaca way isla wataan? Aragti
ahaan waa la dhihi karaa fikradda
midkood ayaa soo jeediyey, hadday
isla soo wada jeediyeen kuma darin,
sidaa darteed waa in midkood
guusha la siiyaa, mise waa sheekadii
ahayd guushu waa Aabbayaal badan
tahay?.
Midse aan halkan ku caddeeyo, waa
tii la yiri: “ Gaal dil Gartiisana Siiye ”,
anoon taageero xuurtaysan iyo mid
laga fiirsaday midna u hayn
labadooda, yaan haddana leeyahay
go’aankii ay qaateen wuxuu ahaa
tallaabo ugub ku ah siyaasadda
Soomaalida.
Hadday halyeynimadan ku muteen
qaadacaaddii shirka, maxaa
qabqablayaashii qaadacay shirkii
Carta iyana loo siinwaayey billadda
halyeynimada? Hadday ku muteen
halyeynimada qaadacaad shir! Maxaa
kooxdii ku hartay Asmara loo siin
waayey billadda halyeynimada?
Hadday halyeynimada ku muteen
qaadacaad shir! Maxaa loo siin
waayey billadda halyeynimada
mudane Cali Mahdi oo qaadacay
shirkii Kenya ee 2004-tii?
Weydiimuhu dhammaan maayaan ee
aan ka soo haro, waxaanse ugu
celcelinayaa inaan indha ku
garaadleey la noqon, maalin walba
waxa taagan kaliya aan wax lagu
qaadan.
Wareeggaa hadduu dhammaaday,
waxaa la galay wareeggii labaad,
shirkii “ Kampala Accord ” waxaa ku
baxay mudane Formaajo “ Boqolle ” oo
noqday neef Udxiya ah oo kale,
micnaha waa la isku furtay, yaa isku
furtay? Jawaabta aqriste adigaan kuu
deynayaa, sida la isugu furtay? Aniga
wali waa iga maqan tahay, ninkii wax
igu dhaama ha noo faa’iideeyo,
waxaanse la qaadan karin goobtii
Hoos guntiga lagaaga furtay inaad
dalxiis u aaddo! Middaasi waa damiir
la’aan, waxaan uga jeedaa socdaalkii
dambe ee mudane Formaajo
“ Boqolle ” ku tagay Uganda.
Midse aan Formaajo “ Boqolle ” dhoho,
mudane haddii Gedo, Caabudwaaq,
Balanbal iyo Muqdisha lagaaga
mudaharaaday, laguuna muujiyey
taageero, waliba dhiig ku daatay,
dhalliyaro ku qur bexday, saxafiyiinna
xabsiga loo dhaadhiciyey, dadkaasi
kaama mudnayn inaad been laba
daanlayso, ee aad ku tiraa: “ DAN
SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY ”
Allahayle, aan Sheekh Shariif “ Haye”
ka soo bawsadee halkaa “ Marada ayaa
kaaga dhacday ”.
Mudane Mahiga “ Ma Hinge” ayaa ku
soo laabtay, weerarna ku qaaday
mudane Fornaajo “ Boqolle ” yirina
wuxuu kala geeyey baarlamaankii,
lacag xoogganna ku baxshay,
Mudane Mahige “ Ma Hinge” waxaan
dhihi ahaa Formaajo “ Boqolle ” waa
wiil Soomaaliyeed wuxuu xaq u
leeyahay inuu garab siyaasadeedkuu
doono taageero, ololana u sameeyo,
dhaqaalana ku baxsho, illeen
sharciga ayaa u bannaynaya iyo
Soomaalinimadiise.
Waxaase ayaan darro ah Adigu “ Ma
Hinge” inaad ka soo gudubtay
hawshaadii, ee aad faraha kula jirto
arrimo aan shaqadaada ka mid
ahayn, waa iska caddahay inaad
caloodin gaara waddo, balse,
miyeysan kugu habboonayn inaadan
guuxaaga ka dheerayn? Hubaal
inaanad wiil Soomaaliyeed afkaaga
ku jareexayn karin.
Haddii halkaa xaal marayo ayaa waxa
qadka soo galay Mudane Shiikh
Shariif “ Haye” isagoo weerar dusha
uga tuuray mudane Formaajo
“ Boqolle ” kuna tilmaamay inuu isagu
soo gacan qabtay, kana dhigay waxa
uu maanta yahay. Alla wadaadku
fududaa, balse, Formaajo “ Boqolle ”
wuu iska fogeeyey in hadalka ka
caraysiiyey Mudane Shariif “ Haye ” uu
yiri, waxaanse la yaabanay wadaadka
waxa qaaday.
Waa ta Soomaalidu tiraa: “ Lagaa
baray ee lagaa badiye ” aan u
adeegsado eray bixinta siyaasadda
ku soo korortay ee ah: “ Marada ayaa
ka dhacday”. Wallee Sheekh Shariif
“ Haye ” mahaan marada ayaa uga
dhacday, waaba su’aale: haddii
Formaajo “ Boqolle ” ka shaqeeyey
safaaraddii Soomaalidu ku lahayd
Ney York , Sheekh Shariif “ Haye”xagge
ka soo shaqeeyey?.
Midda madaxa daalinaysaahi waa
haddaad Sheekh Shariif “ Haye ” adigu
ku soo caan baxday habaabinta
dhallinyrada, haddana dhabbaha aad
uga leexatay, mudane Formaajo
“ Boqolle ” dhallaan ma dagaalgalin,
diin dacaraysanna uma sheegin! Aan
ka ahayn inuu dadkii u bannaan
baxay dan seejiyey. Midda kale,
Mudane Shariif “ Haye” markuu
imaanayey muxuu watay, oo uu
dheeraa mudane Formaajo “ Boqolle ”?
Waa maxay sidii rag waaweyn looma
hadlayee!
Ugu dambayn, wareerkan iyo
weerarkan oo dhan waxaa u sababa,
inay gababo tahay xilliga kala guurka,
mudane walbana uu sii boos
bannaysanayo, ninkuu u arko inuu
miisaan leeyahay ayuu iska riixayaa,
wuxuuna isku dayayaa inuu
dacareeyo.
Mudane Mahige “ Ma Hinge” waxaa
lagu eedeeyey inuu diinta wax ka
sheegay, mid ayaan ka leeyahay,
dhaqan ahaan, marka dagaal la
galayo, carruurta, cirroolahayaasha ,
marrasta iyo haweenka gadaal ayaa la
iska mariyaa, haddaan Soomaaliyeey
annagu culimo ku sheeg iska soo hor
marinnay, urur diimeed ku daaban, ee
urur diimeed ayaa madaxtooyada
deggan la yiraa, beenna aan ahayn,
ma waxaan leenahay diinta ayaa wax
laga sheegay?! Aan la shir tango
siyaasi sadar qarsoon ku
dagaaallamaya, haddii kale waligeen
waxaan ku jiraynnaa waxbaa nalaga
sheegay.
Faafin: maarso, 2012
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/2015/04/06/formaajaa-fiijiyey-farina-u-taagan-tahay/